Caabudwaaq, Juun 28, 2025 – Dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii uu iska horimaad xooggan dhexmaray ciidamada booliska degmada caabudwaaq gobolka galagduud iyo koox maleeshiyaad ah oo deegaanka ka soo jeeda.
Weerarka ayaa bilowday abaara subaxnimadii hore saakay
isagoona soo gaaray gabaldhicii caawa ,
Sida ay warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal ku sugan magaalada, rasaasta la
isweydaarsaday ayaa socotay muddo farabadan, taasoo cabsi gelisay shacabka ku
nool xaafadaha ay saameynta ku yeelatay rasaastan la isu adeegsaday manta.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa ah mid culus.
Wararka rasmiga ah ee laga helayo ilo caafimaad iyo booliska ayaa sheegaya in 10
ruux ay ku dhinteen, halka 7 kale ay ku dhaawacmeen. Dadka ku
dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira ciidamo boolis ah, maleeshiyaad
iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan risaastuna ku haleysay goobo ka fog
halka dagaalku ka dhacay.
Sababta Dagaalka
Dagaalkan ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo
muran la xiriira dhismaha saldhig boolis degmada caabudwaaq ee dowladda
Galmudug ay ku sameynso dayactir ,Sida la sheegay, maleeshiyaadka weerarka
qaaday ayaa kasoo horjeeday dhismaha saldhiggaas, taasoo keentay in ay weerar
ku qaadaan ciidamada booliska ee ilaaliya goobta dhismaha.
Taliyaha Booliska Galmudug, Khaliif Maalin, oo
warbaahinta la hadlay Caawa, ayaa si adag u cambaareeyay weerarka lagu qaaday
ciidamada booliska, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladdu aysan marnaba aqbali
doonin in la hor istaago dhismaha xarumaha amniga ama lagu carqaladeeyo shaqada
ciidamada.
“Gorgortan kama galeyno amniga degmada Caabudwaaq.
Wadankuna dowlad ayuu leeyahay. Dadka dhibaatada geystay uma tiirineyno qabiil,
ee waa danbiilayaal, waxaana ku wajihi doonaa gacan ciidamada dowladda.” ayuu
yiri Taliye Khaliif, isagoo si toos ah fariin ugu diraya kooxaha falalka amni
darrada kawada gudaha degmada caabudwaaq iyo guud ahaan Galmudug.
Taliyuhu waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka
degmada in ay garab istaagaan ciidamada booliska si loo sugo amniga, loogana
hortago dhibaatooyinka kale ee laga yaabo inay soo noqdaan. “Shacabka
Caabudwaaq waa in ay garabsiiyaan ciidanka booliska si looga hortago dhibaatada
shacabka.”
Dhanka kale Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Dagaalka
maanta ka dhacay Caabudwaaq wuxuu si weyn u gilgilay dareenka shacabka iyo
mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya Wasiirka amniga ee Soomaaliya, Cabdiqaadir
Fartaag, ayaa isna si kulul uga hadlay dhacdadan isagoo sheegay in dowladda
aysan aqbali doonin falal amni darro ah oo lagu waxyeelaynayo shacabka iyo
ciidamada dowlada iyo carqaladeynta adeegyada dadweynaha.
“Waxaan cambaareyneynaa weerarka lagu qaaday ciidamada
booliska iyo shacabka Caabudwaaq Waa in si degdeg ah loola xisaabtamaa cid
kasta oo ka dambeysay rabshadahaas, Dowladda dhexe waxay diyaar u tahay inay la
shaqeyso Galmudug si looga hortago in dhacdooyinkan oo kale ay mar kale
dhacaan,” ayuu yiri wasiirka Amniga Soomaaliya.
Ciidamo Dheeraad ah oo Loo Diray
Caabudwaaq
Maamulka Galmudug ayaa durba bilaabay tallaabooyin
lagu xasilinayo degmada Caabudwaaq, Ilo
xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan booliska
Galmudug iyo xoogagga amniga la geeyay magaalada si ay uga qayb qaataan sugidda
amniga iyo joojinta dhibaatada haatan ka taagan caabudwaaq.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in weli xaaladda ay tahay
mid kacsan, inkastoo rasaasta la joojiyay gelinkii dambe ee manta, Dad badan ayaa ka cabsi qaba in xaaladdu kasii
darto maalinta beri ah, maadaama aysan jirin xal dhab ah oo weli laga gaaray
sababta dhabta ah ee keentay dagaalka Maanta.
Baaqyo Nabadeed
Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada rayidka ah ee
Caabudwaaq ayaa sidoo kale bilaabay dadaallo nabadeed, iyagoo ugu baaqaya
labada dhinac in ay joojiyaan dagaalka oo lagu beddelo wada-hadal iyo isu
tanaasul.
Sheekh Maxamed Xasan oo ka mid ah culimada deegaanka
ayaa sheegay, “Waa wax laga xumaado in dhiig Soomaaliyeed uu daato si aan sax
ahayn Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan
beelaha iyo dowladda in la soo afjaro dagaalkan si shacabka loogu soo celiyo
nabad iyo xasilooni .” tan iyo manta culimada deegaanka ayaa ku howlanaa
joojinta dagaalka xilli si xoogan ay u soctay rasaasta labada dhinac ay isku
adeegsaneyn.
Gunaanad
Dagaalka maanta dhacay ayaa ah digniin ku wajahan
maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo laga sugayo in
ay si buuxda u xakameeyaan xaaladaha amni ee ka taagan deegaannada ay maamulaan,
Sida ay sheegeen dadka deegaanka,
nabadgelyada Caabudwaaq waa tiir muhiim u ah xasiloonida guud ee gobolka
Galgaduud.
Waxaana lagama
maarmaan ah in la dar dargaliyo wada hadalo nabadeed oo lagu baadi goobayo in
laga hortago waxkasta oo wax u dhibaya nabadda degmada caabudwaaq oo sanadadii
la soo dhaafay ka soo kabaneysay rabshadihii faraha badnaa oo maalinkasta dad
farabadan ku dhiman jireen
Warbixintan waxaa diyaariyay Bulacle.com –
Xarunta Wararka iyo Faallooyinka Dalka.
0 Comments