LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

WAR DEG-DEG AH: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Lagu Wado Inuu Maanta Gaaro Magaalada Cadalle!

WAR DEG-DEG AH: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Lagu Wado Inuu Maanta Gaaro Magaalada Cadalle!

Cadalle, Sh/Dhexe – Juun 29, 2025
— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro magaalada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo aan si rasmi ah horey loo shaacin safarkiisa.

 Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Bulacle.com u xaqiijiyay in socdaalka madaxweynaha uu yahay mid si gaar ah diiradda u saaraya dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo dagaalo xoogan kula jirta dowlada soomaaliya.

Safarkan ayaa imaanaya xilli ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaallo dhowaan ka dhacay gobolkaas shabellada dhexe , Magaalada Cadalle oo ah saldhig istaraatiiji ah ayaa hadda noqotay xarun laga hago howlgalada militari ee ka socda Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Cadalle oo Noqotay Xarunta Dagaalka Gobolka

Magaalada Cadalle ayaa maalmahan danbe noqotay xarun muhiim ah oo laga maamulo howlgalka ciidamada dowladda ee ka socda gobolka, Ciidamada xoogga dalka oo ay garab siinayaan kuwa deegaanka ayaa ku sugan magaaladaasi, iyaga oo dhowr weerar oo qorshaysan ku qaaday deegaano ay Al-Shabaab gacanta ku hayeen ayna guulo balaaran ka soo hooyeen dagaaladaasi.

Mid ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee dhawaan la gaaray ayaa ah qabsashada magaalada Masaajid Cali Gaduud, oo ah meel marin muhiim ah u ah isku xirka Muqdisho iyo gobollada dhexe soomaaliya , La wareegidda magaaladaas ayaa loo arkaa mid dhaawac culus gaarsiisay isku xirka iyo dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab ee gobolka.

Madaxweyne Xasan oo Raadineya Iskaashi Beeleed:

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u arka degmada Cadalle mid leh muhiimad gaar ah, gaar ahaan marka la eego doorka beesha deegaanka ee dhinaca dagaalka. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si uu u xoojiyo iskaashiga lagama maarmaanka u ah xoreynta dalka gaar ahaan shabellada dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer horey u booqday Cadalle, waxaana uu rumeysan yahay in beesha deegaanka ay kaalin muuqata ka qaadan karaan dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab guud ahaan soomaaliya.

 Booqashadan cusub ayaa loo arkaa mid lagu adkeynayo xiriirkaas, iyadoo sidoo kale la filayo in madaxweynuhu fariin cad u gudbiyo bulshada deegaanka.

Mucaaradka oo Dhaleeceyn Ku Hayo Kaalinta Beesha Madaxweynaha:

Safarka Madaxweynaha ayaa sidoo kale imanaya xilli mucaaradka siyaasadeed ay dhaliil ka muujinayaan kaalinta beesha uu ka dhashay madaxweynuhu ee dagaalka Al-Shabaab,  Warar baraha bulshada lagu faafiyay ayaa sheegayay in beeshaasi aysan si muuqata uga qayb qaadan dagaalka, halka beelaha kale ay dagaallo toos ah kula jiraan kooxda Al-Shabaab ayna ka saareen gobolo iyo degmooyin kala duwan ee gudaha soomaliya.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Madaxweynaha ee Cadalle ayaa loo arkaa mid wax ka beddeli kara aragtidaas, isla markaana kor u qaadi kara is-aaminaadda siyaasadeed iyo midda bulsho ee lagama maarmaanka u ah xoreynta dalka.

Wefti Sare oo Madaxweynaha Ku Weheliya

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu wadaa in uu ku wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin. Weftigan ayaa lagu wadaa in ay qiimeyn rasmi ah ku sameeyaan xaaladda dagaal iyo diyaar garowga ciidamada ku sugan gobolka.

Waxaa sidoo kale laga filayaa inay la hadlaan ciidanka, isla markaana kor u qaadaan niyadda iyo dagaal-gelinta ciidamada ku sugan safka hore.

Ugu danbeyntii Iyadoo ay dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed indhaha ku hayaan socdaalkan Madaxweynaha soomaaliya degmada cadelle gobolka shabellada dhexe , waxaa la saadaalinayaa in safarka Madaxweynaha uu noqdo mid dhiirrigeliya dadaallada dagaalka looga hortagayo kooxda Alshabaab ee haatan ka socda gobolka shabellada dhexe .

 Inkasta oo safarka uusan weli gaarin Cadalle, hadana ujeedkiisa ayaa si cad u muujinaya muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaalka dowladda iyo shacabka si dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada ah.

Bulacle.com ayaa si dhow ula socon doona wararka safarkan iyo wixii ka soo kordha, waxaana si toos ah idiinla wadaagi doonaa faahfaahin dheeraad ah marka Madaxweynaha uu gaaro magaalada Cadalle Gobolka Shabellada dhexe.

 #Cadalle , #Somalia 

Post a Comment

0 Comments