Muqdisho, 13 Sebteembar 2025 – Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maanta martigelisay munaasabad qaran oo taariikhi ah, kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
Xaruntan casriga ah ayaa loo dhisay qaab dhismeed iyo
agab u qalma hay’adaha difaaca ee qaran, iyadoo diiradda lagu saaray
tignoolajiyo horumarsan oo fududeynaysa hawlgallada ciidanka iyo qorsheynta
istiraatiijiga ah ee amniga dalka iyo dibuxoreyta dalka.
Astaanta dib u dhiska hay’adaha difaaca
Madaxweyne soomaaliya Xasan Sheekh, oo ah Taliyaha Guud
ee Ciidanka Qalabka Sida, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay tahay caddeyn
muuqata oo muujinaysa sida dowladdu ugu heelan tahay dhismaha iyo tayeynta
hay’adaha difaaca dalka. Madaxweynaha soomaaliya ayaa xusay in xaruntan lagu
qalabeeyay qalab iyo agab casri ah, taasoo ciidanka u suurto gelin doonta inay
si hufan u maareeyaan xogta sirdoonka, qorsheynta hawlgallada iyo la socodka
dhaqdhaqaaqa cadowga.
“Dhismahan cusub ma aha oo keliya dhisme la taaban
karo, balse waa astaan muujinaysa adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay
uga go’an tahay dowladdooda inay ka hortagto khatar kasta oo qaranka soo
wajahda,” ayuu yiri Madaxweyne soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud.
Bogaadin iyo dhiirigelin loo jeediyey
ciidanka
Madaxweynaha ayaa ammaan gaar ah u jeediyey Wasaaradda
Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku bogaadiyey
dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan difaaca dalka, Wuxuu carabka ku adkeeyay
in guul kasta oo ciidanku soo hooyo ay astaan u tahay geesinimada iyo dulqaadka
shacabka Soomaaliyeed.
“Ciidamadeenna waxay yihiin difaaca ugu weyn ee
jiritaanka qaranimada Soomaaliya. Dhiirranaantooda iyo adkaysigooda waa tiir
muhiim ah oo shacabka Soomaaliyeed ku faani karaan,” ayuu ku daray
Madaxweynaha.
Kormeer iyo warbixin guulo la taaban karo
Intii uu ku sugnaa Wasaaradda Difaaca, Madaxweyne
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kormeer ku tagay qaybaha muhiimka ah ee xarunta
cusub, Waxa uu halkaas ku dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan
guulihii dhowaan ciidamada Qaranka iyo Xoogagga Shacbiga ah ay ka gaareen
furimaha dagaalka.
Warbixinta ayaa lagu xusay in ciidamadu guulo waaweyn
ka gaareen gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay jab xooggan
ku gaarsiiyeen kooxaha argagixisada, islamarkaana ay dib u xoreeyeen deegaanno
muhiim ah.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in guulahaasi yihiin mid
dhiirrigelin u ah shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku celiyay in dagaalka lagula
jiro argagixisada uu yahay mid qaran oo looga baahan yahay shacabka iyo
dowladduba inay isku duubnaadaan.
Aragti guud iyo mustaqbalka
Daahfurka xaruntan cusub ayaa loo arkaa tallaabo hor
leh oo lagu xoojinayo awoodda difaaca Soomaaliya, iyadoo la filayo in xaruntu
noqoto xarun istiraatiiji ah oo isku xirta hawlgallada sahanka iyo sirdoonka,
kuwaas oo lagama maarmaan u ah qorshe kasta oo lagu sugayo amniga dalka.
Khubarada amniga ayaa tilmaamaya in xaruntan cusub ay
door weyn ka qaadan doonto ka hortagga khataraha gudaha iyo dibadda,
islamarkaana ay fursad u tahay ciidamada inay yeeshaan awood ay ku wajahaan
caqabadaha ka dhasha dagaalka lagula jiro kooxaha nabad-diidka.
Gunaanad
Xafladda maanta ka dhacday Muqdisho waxay ahayd mid lagu muujiyay isku duubnida hoggaanka qaranka iyo ciidanka difaaca soomaaliya , Madaxweynaha oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay sii wadaan taageerada ay siinayaan ciidamadooda, maadaama guulaha dalka laga gaadhayo ay yihiin kuwo wadajir loo hirgelin karo.
Xaruntan cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka CXDS ayaa noqoneysa mid kamid ah astaamaha qaran ee taariikhda ku qoran, iyada oo bulshada Soomaaliyeed u ifinaysa rajo cusub oo ku saabsan dhismaha ciidan qaran oo casri ah, isla markaana difaaci kara jiritaanka iyo madax-bannaanida dalka, ciidamada sahan iyo sirdoonka soomaaliya ayaa ciidan ahaan waxa ay ku baahsanyihiin xuduudaha iyo gobolada dalka guud ahaan si ay xaqiijiyaan daljirnimada iyo difaaca dhulka iyo madaxbanaanida soomaaliya.
Bulacle.com
0 Comments