Guriceel (bulacle.com)-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Shariif Barre, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay duleedka degmada Guriceel, halkaas oo uu ka socdo mashruuc muhiim ah oo lagu tacbayo calafka xoolaha si kor loogu qaado diyaar garowga abaarta. Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallo waaweyn oo la doonayo in lagu xoojiyo ilaha nolosha ee xoolo-dhaqatada ku tiirsan xoolaha, gaar ahaan marka la eego isbeddelka cimilada iyo saameynta ay ku leedahay deegaanka.
Kormeerka Wasiir Kuxigeenka ayaa diiradda saaray
qiimeynta heerka uu marayo tacabka calafka iyo sidii loo dardar gelin lahaa
dadaallada lagu kobcinayo dhirta daaqa iyo kaydka xoolaha loogu talagalay.
Tacabkan beereed ayaa ah mashruuc istiraatiiji ah oo si gaar ah loogu talagalay
in marka ay timaaddo abaartu ay xoolo-dhaqatadu helaan kayd calaf ah, si aysan
u saameynin nolol maalmeedkooda.
Mudane Shariif Barre, oo warbaahinta la hadlay intii
uu socday kormeerka, ayaa muujiyay sida ay wasaaradda uga go’an tahay in la
xoojiyo adeegyada ay helaan dadka xoolo-dhaqatada ah. Waxa uu sheegay in
mashruucani yahay mid si dhab ah uga jawaabaya baahida deegaanka, isla markaana
ifinaya waddo cusub oo lagu yareynayo khasaaraha abaartu ku reebto bulshada
reer miyiga.
“Tacabka daaqan wuxuu ka tarjumayaa aragti fog oo lagu
wajahayo saameynta abaarta. Waxaan doonaynaa in marka ay jirto barwaaqo la
sameeyo kayd dhirta xooluhu cunaan, si marka ay timaaddo xaalad adag aysan
bulshada u dareemin burbur nololeed. Waa hannaan la jaanqaadaya xaalada
cimilada ee isbeddeleysa,” ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiir Shariif Barre
waxa uu sidoo kale la kulmay kooxaha beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ee ka qayb
qaadanaya tacabka. Waxaa uu dhiirrigeliyay dedaalkooda, isagoo xusay in
kaalinta ay bulshada ku leedahay hirgelinta mashruuca ay tahay mid muhiim ah,
islamarkaana wasaaraddu diyaar u tahay inay bixiso taageero farsamo iyo talo
bixin joogto ah.
Mashruuca calaf abuurka ayaa la qorsheeyay in laga
hirgeliyo goobo badan oo ka tirsan Galmudug, iyadoo lagu saleynayo deegaanka ku
habboon beeralayda iyo xoolaha. Ujeedada ayaa ah in la sameeyo hannaan waara oo
lagu maareeyo calafka, lagana hortago xaaladaha degdegga ah ee inta badan
sababa dhimashada xoolaha, barakaca, iyo burburka dhaqaale ee bulshada.
Sidoo kale, Wasiirka Kuxigeenka ayaa tilmaamay in
mashruuca tacabka uu si dhow ula xirnaan doono barnaamijyo kale oo ay
wasaaraddu wado, kuwaas oo diiradda saaraya caafimaadka xoolaha, xoojinta
suuqyada xoolaha, iyo kor u qaadidda wax soo saarka deegaanka.
“Waa inaan wax ka bedelnaa habka nololeed ee
xoolo-dhaqatada. Maanta waxa aan bilownay mid ka mid ah talaabooyinka waxtarka
leh ee ay bulshada si toos ah u dareemi doonto. In la abuuro calaf ay xooluhu
cuni karaan xilliga abaarta waa tallaabo ka hortag ah oo wax weyn ka tari
doonta badbaadada nolosha dadkeenna,” ayuu yiri Shariif Barre.
Dhanka kale, masuuliyiinta deegaanka, gaar ahaan
maamulka degmada Guriceel, ayaa si weyn u soo dhoweeyay kormeerka Wasiir
Kuxigeenka iyo mashruuca socda. Waxay sheegeen in tacabka calafka uu yahay
fursad weyn oo wax ka beddeli karta xaaladda adag ee xoolo-dhaqatada ku haysta
abaarta soo noqnoqota.
Xoolo-dhaqato iyo beeraleyda la hadlay warbaahinta
ayaa iyaguna muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin mashruucan. “Waa markii ugu
horreysay oo aan aragno dadaal muuqda oo loogu talagalay in xilliga barwaaqada
la dhiso keyd calaf. Waxaan u aragnaa arrin muhiim ah oo wax ka tari doonta
nolosheenna,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha deegaanka.
Ugu dambeyn, Wasiirka Kuxigeenka ayaa ku boorriyay
dadka deegaanka in ay sii xoojiyaan dadaalka, ayna ilaaliyaan barnaamijyada
horumarineed ee loo sameynayo. Waxa uu balanqaaday in wasaaradda ay sii wadi
doonto taageerada, korna u qaadi doonto mashruucyada la xiriira horumarinta
nolosha xoolo-dhaqatada.
Mashruucan calaf abuurka ah ayaa la filayaa in uu
noqdo tusaale wanaagsan oo laga hirgeliyo guud ahaan Galmudug, si loo helo
bulsho xoolo-dhaqato ah oo u adkeysan karta xaaladaha adag ee ka dhasha
cimilada is beddeleysa.
0 Comments