LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Ciidanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ku dilay shan xubnood oo Daacish ah deegaanka Koor-Xagarle, halka mid kale nolosha lagu qabtay.

Ciidanka Puntland oo 5 Xubnood oo Daacish ah ku Dilay Howlgal Qorsheysan Koor-Xagarle!

Bulacle.com – Sebtembar 28
– Ciidanka difaaca Puntland ayaa guul weyn ka gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Koor-Xagarle ee hoos yimaada deegaanka Dhasaan. Saraakiisha hoggaamineysa hawlgalka ayaa xaqiijiyay in shan dagaalyahan lagu dilay, halka mid kale gacanta lagu dhigay isagoo nool. Ciidanku waxa ay weli hareereyn ku hayaan xubno kale oo la tuhunsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan deegaanka.

Howlgalka maanta dhacay ayaa ka dhacay goob hore loogu aasay qarax miino, kaas oo sababay dhimashadii Janaraal Qalyare, Taliyihii Guutada 2-aad ee Ciidanka Puntland (Alle ha u naxariistee). Sida laga soo xigtay saraakiisha, tallaabadan ayaa ah mid aargudid ah oo qayb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu suuliyo kooxda Daacish ee ka howl gasha buuraha iyo dhulka adag ee gobolka.

Waxayna Ciidamada Puntland howlgalka  ku tilmaamay hawlgal  lagaga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo nabadda shacabka deegaanka iyo inay meesha laga saaro khataraha kooxdan argagixisada ah. Waxa kale oo ay sheegeen in ciidanku gacanta ku hayaan goobo muhiim ah oo loo maleynayo inay ahaayeen xarumo istaraatiiji ah oo Daacish u adeegsato qorsheynta weerarrada iyo qaraxyada.

“Kooxda Daacish waxa ay muddo dheer shacabka ku cadaadiyeen miinooyin, qaraxyo iyo weerarro lama filaan ah. Balse Ciidanku waxay ka go’an tahay in deegaanka laga nadiifiyo argagixisada,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan howlgalka ciiadamada Puntland Soomaaliya.

Khatarta Daacish ee Puntland

Daacish ayaa muddooyinkii dambe ku xooggan buuraha iyo dhulka qalloocan ee Puntland, halkaas oo ay u adeegsadaan sidii ay uga fulin lahaayeen weerarro deg-deg ah. Inkastoo ay jiraan duqeymo iyo howlgallo hore oo lagu bartilmaameedsaday, kooxda ayaa weli khatar ku ah shacabka iyo ciidanka.

Khataraha Daacish kuma koobna Puntland oo keliya, balse guud ahaan Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika ayay saamayn xooggan ku leeyihiin. Waxa kale oo ay xiriir dhow la leeyihiin shabakado caalami ah oo argagixiso ah, taas oo sii kordhisa halista ay ku yihiin nabadgelyada caalamka.

Taageerada Dowladda iyo Caalamka

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xulafada caalamiga ah, gaar ahaan Dowladda Maraykanka, ayaa taageero muuqata siiya dagaalka lagula jiro Daacish. Taageeradaasi waxa ay isugu jirtaa tababar, sirdoon iyo weerarro hawada ah oo lagula dagaallamo kooxaha ku dhuumaaleysanaya buuraleyda adag ee  Maamulka Puntland.

Dowladda Puntland ayaa dhowr jeer ku celisay inay go’an tahay in kooxaha argagixisada meesha laga saaro, iyadoo aan loo eegin caqabada ay ku leeyihiin dhulka adag ee buuraha iyo keymaha.

Saameynta Howlgalka

Howlgalka Koor-Xagarle waxa uu fariin cad u dirayaa Daacish iyo cid kasta oo isku dayda inay amni darro ka abuuraan deegaannada Puntland. Shacabka deegaanka ayaa soo dhaweeyay guusha ciidanka, iyagoo sheegay inay dareemayaan ammaan iyo kalsooni dheeraad ah.

Ganacsatada iyo dadka deegaanka ayaa intaas ku daray in joogitaanka kooxda argagixisada uu saameyn ku lahaa dhaqdhaqaaqa nololeed, balse howlgalada noocan oo kale ah ay fursad u noqonayaan in dib loo soo celiyo xasiloonida iyo horumarka bulshada oo in mudaa cakirnaa.

Gunaanad

Ciidanka Puntland ayaa muujiyay go’aan adag oo caddeynaya in aysan meelna uga harin dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Dilka shanta xubnood ee Daacish iyo qabashada mid kale waxay muujinayaan in ciidamada Puntland ay si joogto ah u qaadayaan tallaabooyin lagu difaacayo shacabka iyo dhulkooda.

Haddii howlgalada sidan oo kale ah la joogteeyo, waxaa la filan karaa in kooxda Daacish ay waayaan awooddii ay ku carqaladayn jireen nabadda iyo horumarka gobolka. Puntland waxa ay fariin cad u dirtay Kooxaha argagixisada meel kuma  laha dhulkeena.

bulacle.com 

 

 

Post a Comment

0 Comments