LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

25 Suxufi oo Dhuusamareeb uga Qaybgalay Tababar Ku Saabsan La-dagaallanka Wararka Beenta ah

25 Suxufi oo Dhuusamareeb uga Qaybgalay Tababar Ku Saabsan La-dagaallanka Wararka Beenta ah

Dhuusamareeb, 7 Oktoobar 2025 -Bulacle.com)
Magaalada Dhuusamareeb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa maanta si rasmi ah looga furay tababar muhiim ah oo lagu xoojinayo xirfadaha suxufiyiinta, kaas oo diiradda lagu saarayo la-dagaallanka wararka beenta ah iyo hubinta xaqiiqda wararka.

Tababarkan oo ay ka qaybgalayaan 25 suxufi oo ka howlgala gudaha Galmudug ayaa ujeedkiisu yahay in la kordhiyo aqoonta iyo xirfadaha warfidiyeennada, si ay door muuqda uga qaataan la-tacaalidda wararka been abuurka ah (fake news) ee saameeya bulshada iyo kalsoonida warbaahinta.

Furitaanka tababarka waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin heer gobol ah oo ay ka mid yihiin:

Cali Maxamuud Faraax (Cali Seeko) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Galmudug

Maxamed Dhagacade – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Galmudug

Mas’uuliyiinta ayaa ugu baaqay suxufiyiinta inay si xirfad iyo masuuliyad leh u gutaan shaqadooda, ayna hubiyaan saxnaanta xogta ka hor inta aysan baahin, maadaama wararka aan la xaqiijin ay sababi karaan dhaawac bulsho iyo sumcad xumo warbaahineed ayana lagama maarmaantahay in la dhowro sumacada wariyaasha iyo kalsoonida shacabka soomaaliyeed.

“Warbaahinta Waa Laf-dhabarta Bulshada”

Wasiirka Warfaafinta Cali Seeko ayaa sheegay in suxufiyiintu ay leeyihiin door muhiim ah oo ay ku ilaalin karaan kalsoonida bulshada, isaga oo ku baaqay in war kasta la hubiyo ka hor inta aan la baahin.

“Warbaahinta waa laf-dhabarta bulshada, balse haddii xog aan la xaqiijin la baahiyo, waxay dhaawacdaa kalsoonidii bulshada iyo sumcaddii warbaahinta. Waa in suxufiyiintu noqdaan kuwo xirfad leh oo aan degdeg ugu gudbin bulshada xog kasta oo aan la hubin,” ayuu yiri Wasiir Cali Seeko.

Dhankiisa, Maxamed Dhagacade, Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Galmudug, ayaa tilmaamay in hubinta xogta iyo xaqiijinta wararka ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu dhiso kalsoonida bulshada iyo hufnaanta warbaahinta.

“Suxufiga xirfadda leh waa kan og sida loo kala saaro runta iyo been abuurka. Haddii aan xogta la hubin, waxay dhaawacaysaa xiriirka u dhexeeya bulshada iyo warbaahinta. Sidaas darteed, waxaan ku boorinayaa ka qaybgalayaasha in ay si buuxda uga faa’iideystaan tababarkan,” ayuu yiri Dhagacade.

Kor u Qaadista Aqoonta iyo Xirfadaha Saxaafadda

Maxamuud Cismaan Cabdulle (beereey), Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug, oo ka hadlay furitaanka tababarka, ayaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo xirfadaha suxufiyiinta, si ay bulshada ugu adeegsadaan xog dhab ah oo la hubiyay.

“Tababarkani wuxuu suxufiyiinta baraa farsamooyin casri ah oo lagu ogaan karo wararka beenta ah, isla markaana lagu xaqiijin karo xogta ka hor baahinta. Taasina waxay sare u qaadaysaa daahfurnaanta iyo kalsoonida warbaahinta Galmudug,” ayuu yiri Maxamuud Cismaan.

Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Suxufiyiinta Galmudug (GALJA ), iyadoo lagaashanayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), gaar ahaan xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha.

Inta lagu guda jiro tababarka, suxufiyiinta ayaa lagu barayaa farsamooyinka hubinta xogta (fact-checking), fahamka ilaha lagu kalsoonaan karo, iyo sida loo maareeyo wararka degdegga ah ee inta badan sababa faafinta xog aan la xaqiijin taas oo keenta in ay ka dhalato dhibaato iyo kalageyn bulsho.

Tababarkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo dhiirrigelinaya saxaafad daahfuran, hufan, oo mas’uul ah. Waxaa la filayaa in ka-qeybgalayaasha ay noqdaan hormuudyo ka hortaga wararka beenta ah, kana shaqeeya ilaalinta kalsoonida bulshada ee warbaahinta Galmudug.


















Post a Comment

0 Comments