LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Somaliland: Ictiraafku Naxariis Ma Hayo, Dadkayaguna Dhibaato Ma Qaadi doonaan!

Somaliland: Ictiraafku Naxariis Ma Hayo, Dadkayaguna Dhibaato Ma Qaadi doonaan!

Hargeysa (bulacle.com) –
Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shaacisay in ictiraafka ay sanadaha badan raadineyso aysan u galeyn naxariis, isla markaana aysan dhibaato u keenayn dadka. Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa khudbad ka jeediyay baarlamaanka, isagoo si cad u sheegay in mudnaanta koowaad la siinayo sidii Somaliland aqoonsi u heli lahayd.

 

Wasiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay heshiiskii is-afgarad ee sanadkii hore la gaaray Somaliland iyo Itoobiya, isagoo sheegay in aan heshiiskaas ahayn mid daah-furan. “Waxay Itoobiya tiri; waxaynu ka fikiraynaa ictiraafka marka aynu helno xeeb, meel ay yiraaahdeen Somaliland baanu aqoonsanaynaa ma jirto,” ayuu yiri wasiirku mar uu ka jawaabayay su’aalaha guddida arrimaha dibadda ee baarlamaanka.

 

Wasiirka Aadan ayaa intaas ku daray in xukuumadda cusub iyo baarlamaanka ay dib u eegis ku sameyn doonaan heshiiskan, maadaama uu ku jiro mad-madow badan oo u baahan in si taxadar leh looga fiirsado. “Waxaan sameyn doonaa wax walba sidii aynu aqoonsi u heli lahayn, laakiin ictiraaf cadaab ku geli mayno, dadkeenana baabi’in mayno,” ayuu raaciyay.

 

Wasiirka ayaa muujiyay in aanay wax macno ah lahayn in Somaliland la iibiyo, iyadoo dadka kale loo ogolaanayo in ay maamulaan kheyraadkooda iyo noloshooda, kaliya in la yiraahdo “waan idin aqoonsanay.” Inkasta oo aanay jirin dal aqoonsaday Somaliland, haddana waxay ku faaneysay inay leedahay dhammaan astaamaha u adeegay waddan, iyadoo in ka badan soddon sanno ka qabsoomeen doorashooyin loo arkay kuwii ugu dimuquraadiga badnaa ee ka dhaca gobolka.

 

W/Q: Maxamud Cabdulle

Post a Comment

0 Comments