LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sidee Barlamanka Somaliland oo Maanta ansaxiyay wasiirrada usoo magacaabay Cirro!?

Sidee Barlamanka Somaliland oo Maanta ansaxiyay wasiirrada usoo magacaabay Cirro!?

Hargeysa (bulacle.com) –
Barlamanka Somaliland ayaa maanta ansaxiyay 19 wasiir oo cusub oo uu magacaabay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Wasiiradani waxay hortimid Golaha Wakiillada waxayna ka jeediyeen hadalo ku saabsan qorshayaasha iyo mudnaanta ay siineen arrimaha horumarinta.

 

Intaa ka dib, golaha ayaa si guud u ansixiyay dhammaan wasiirada, taas oo ka dhigan in xukuumadda cusub ay si rasmi ah u bilaabi doonto hawlaheeda. Sidee u aragtaa magacaabista cusub iyo waxa laga filan karo xukuumadaan?

Hoos ka aqriso liiska xubnaha iyo codadka lagu ansixiyey;

 

1. 65 Mudane ayaa ogolaaday in ahaado Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle in uu ahaado Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

2. 59 Mudane ayaa ogolaaday in ahaado Md. Cabdiraxaam Daahir Aadan in uu ahaado Wasirka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Jsl, 3mudane ayaa diiday waxaana ka Aamusay 3mudane Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

3. 62-Mudane ayaa ogolaaday Md. Maxamed Yuusuf Cali (Ikacase) in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga iyo Difaaca Jsl, cidiiday Ma jirto, waxaana Ka Aamusay 3mudane aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah Wasaarada Gaashaandhiga.

4. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Khadar Xuseen Cabdi in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

5. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Ismaaciil Yuusuf Ducaale in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

6. 65 Mudane ayaa ogolaaday Dr Xuseen Bashiir Xirsi in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

7. 65 Mudane ayaa ogolaaday Mrwo. Milgo Maxamed Cilmi in ahaado Wasiirka Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

8. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Axmed Maxamed Faarax Coofle in ahaado Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

9. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Jamaal Maxamed Jaamac in ahaado Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

10. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cismaan Ibraahin (Af-gaab) in ahaado Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

11. 65 Mudane ayaa ogolaaday Mrwo Kaltuun Sh. Xassan Cabdi Madar in ahaato Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

12. 63 Mudane ayaa ogolaaday Md. Siciid Maxamed Buraale in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Maalgashiga iyo Warshadaha Jsl. Cid Diiday ma jirto waxaana ka Aamusay 2mudane Gudoomiyuhuna ma codayn sida caadada ah.

13. 64 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdilaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) in ahaado Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jsl, cid Diiday aanay jirin 1mudane ayaa Ka Aamusay Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

14. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdilaahi Xassan Aadan Cawaale in ahaado Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo Horumarinta Dhaalaha Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

15. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdiraxmaan Xassan Nuux Furre in ahaado Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

16. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdilaahi Daahir Jaamac in ahaado Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Jsl, cid Diiday aanay jirin iyo 1mudana ka Aamusay Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

17. 63 Mudane ayaa ogolaaday Md. Xuseen Axmed Caydiid in ahaado Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, dhulka iyo Guryaynta Jsl, 2 mudane ayaa Diiday cid ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

18. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdale Maxamed Carab (Cabdle Sandheere) in ahaado Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jsl, cid Diiday iyo cid ka Aamusay aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

19. 64 Mudane ayaa ogolaaday Md. Xassan Axmed Ducaale (Maclin) in uu ahaado Wasiir Wasaarada Horumarinta Dawladaha Hoose iyo Magaalooyinka Jsl, waxaana Diday 1mudane cid ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.

W/Q: Maxamud Cabdulle

 

Post a Comment

0 Comments