LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ซ๐ฎ๐ฅ ๐ˆ๐Ÿ๐ญ๐š๐š ๐ž๐ž ๐Ÿ๐š๐ญ๐ฐ๐š๐๐š ๐ƒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š!

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ซ๐ฎ๐ฅ ๐ˆ๐Ÿ๐ญ๐š๐š ๐ž๐ž ๐Ÿ๐š๐ญ๐ฐ๐š๐๐š ๐ƒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š!

Muqdisho (bulacle.com)-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhigax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul Iftaa, ayaa sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa'isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo bulashada Soomaaliyeed.


‘Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan ayna muhiimtahay in la da dajiyo.’


"Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha soomaaliya.


Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo waana sida looga baahanyahay dhamaan wasaaradaha dalka in ay abuuraan fursad bulshada soomaaliyeed ku dhistaan dalkooda  intii ay sugi lahaayeen gacmo shisheeye.


Horay ayaa iskutashi bulsho lagu dhisay xarumo badan oo haatan u adeega bulshada soomaaliyeed bur burkii ka dib.

W/Q: Maxamud Cabdulle

 

Post a Comment

0 Comments