LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

PUNTLAND oo Saldhigyo Muhiim ah ka faarujisay Daacish, Diyaarado Drones ahna soo ridday!

PUNTLAND oo Saldhigyo Muhiim ah ka faarujisay Daacish, Diyaarado Drones ahna soo ridday!

Boosaaso (bulacle.com)–
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxday howlgal culus oo ay ciidamada difaaca Puntland ka wadaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, kaas oo lagu beegsanayo xarumaha maleeshiyada kooxda Daacish.

 

Inta lagu guda jiro howlgalka, Puntland waxay sheegtay in lagu burburiyey ugu yaraan sideed talis oo ay leeyihiin Khawaarijta Daacish, gaar ahaan aagga Togga Il-cameyro ee buuraleyda Cal-miskaad. “Ciidamada difaaca Puntland ayaa burburiyey in ka badan 8 talis iyo saldhigyo argagixisada Daacish, kuwaas oo ku yaallay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togagga Lugele, Dhabanacado, Il iyo Camayra, Hoobato, Taagtaag, iyo buurta Baal-gorey,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska ciidamada Puntland.

 

Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa soo riday diyaarado drones ah oo ay adeegsadeen xubno ka tirsan Daacish. Sawirrada diyaaraddan ayaa muujinaya noocyada basaas ah, iyaga oo loo isticmaalay howlgalka.

 

Howlgalka wuxuu sidoo kale keensaday in la soo qabto hub iyo saanad ay maleeshiyaadka Al-Shabaab uga carareen goobahaas, balse hadda la kulmaya weeraro ka dhanka ah ciidamada.

 

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo aagga Togga Il-cameyro. Puntland ayaa qaadeysa guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee ku sugan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, iyadoo qorshuhu yahay in laga xoreeyo.

 

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay in laga saari doono Dascish iyo Al-Shabaab deegaanada Puntland.

 

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin howlgalka ay Puntland qaaday.














 

W/Q: Maxamud Cabdlle

Post a Comment

0 Comments