Muqdisho (bulacle.com) - Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane C/kariim Axmed Xasan, ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Guddiga ee Muqdisho, halkaas oo uu ka warbixiyey qorshayaashii ugu muhiimsanaa ee ka socda Guddiga.
Guddoomiye C/kariim Axmed Xasan ayaa sheegay in
Guddiga uu si weyn u horumariyey diyaarinta xeerarka doorashada iyo dhisidda
hay’adaha doorashooyinka, isagoo sidoo kale xusay in la diyaarinayo wacyigelin
iyo diiwaangelin ururo siyaasadeed. Waxuu ballan qaaday in qorshaha waqtiyaysan
ee doorashada la shaacin doono dhowaan.
Guddiga ayaa ka shaqeynaya sidii ay u adeegsan
lahaayeen teknolojiyadda si ay u fududeeyaan howlaha doorashada, wuxuuna ku
adkeysay in albaabada guddiga u furan yihiin dhammaan saamilayda siyaasadda.
gudigaan ayaa looga fadhiyaa in ay dalka guud ahaan ka qabtaan doorasho hufan oo xalaal ah sida lagu dhaariyay gollaha baarlmaanka hortiisa una heleen kalsoonida labada aqal ee dowlada soomaaliya.
0 Comments