Qaahira (bulacle.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa Sabtidii shaaciyay in amniga Badda Cas uu kaliya ku xiran yahay dalalka xeebaha leh, isagoo si cad u diiday in dalalka aan xeebaha lahayn ay yeeshaan joogitaan militeri ama ciidan badeed.
Hadalkaasi wuxuu ka dhacay shir jaraa’id oo uu ku
qabtay Qaahira, kaddib kulan saddex geesood ah oo uu la yeeshay dhiggiisa
Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo kan Eritrea, Osman Saleh Mohammed, sida uu
warbixiyay telefishinka Al-Qahera.
Abdelatty wuxuu sheegay in kulanka lagu falanqeeyay
qorshayaal lagu qabanayo shirar wasiirro oo kale oo ka dhici doona Muqdisho iyo
Asmara, iyo diyaarinta shir madaxeed labaad oo madaxweyneyaash ah, kadib
shirkii ugu horreeyay ee bishii October 2024 ee Eritrea.
Wasiirka Masar wuxuu caddeeyay in dalkiisu garab
taagan yahay dowladda Soomaaliya, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la
ballaariyo awoodda dowladda si ay maamulkeeda ugu fidiso dalka oo dhan, iyo in
la xoojiyo ciidamada qaranka Soomaaliya, si loo hortago tallaabooyin hal dhinac
ah oo khatar gelinaya midnimada dalka.
Abdelatty sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in Masar ay qeyb
ka noqon doonto howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaddib
markii Muqdisho iyo Midowga Afrika ay ansixiyeen, inkastoo aysan bixin
faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka, kaas oo la filayo inuu
horraanta 2025 bilaaban doono.
“Amniga Badda Cas waa arrin lagu saleeyay rabitaanka
iyo wada shaqeynta dalalka xeebaha la leh. Ma aqbalayno in dalal kale ay ku
yeeshaan joogitaan militari ama mid ciidan badeed meel aan danaha ku lahayn,”
ayuu Abdelatty ku yiri shir jaraa’idka.
Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar ayaa loo arkaa
inuu si toos ah ugu socdo Itoobiya, oo danaynaysa in ay saldhig ciidan badeed
ka dhigato xeebta Badda Cas, sida ku cad is-afgaradkii ay la gashay maamulka
Somaliland, ee Soomaaliya diiday.
Itoobiya ayaan dooneynin kaliya saldhig ciidan badeed,
laakiin sidoo kale waxay dooneysaa dekad. Heshiiska ay Soomaaliya la gashay
Ankara wuxuu tilmaamayaa in laga hadli doono sidii loo siin lahaa marin badeed.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya waxay caddeysay in ay ogolaan doonto
marin badeed la xiriira ganacsi kaliya, oo haddii ay wax ciidan ah naafi tahay
aysan marnaba aqbali doonin.
Bishii Agoosto 2024, Safiirka Soomaaliya ee Qaahira,
Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in ciidamo iyo qalab ka socda Masar ay soo
gaareen Muqdisho si ay isugu diyaariyaan ku biiritaanka howlgalka
nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), warbixintanina si
rasmi ah ay u xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar.
Ciidamada cusub ayaa la filayaa inay bedelaan
hawlgalkii ku-meel-gaarka ahaa ee ATMIS, iyadoo loo diyaar garoobayo in ay sii
wadaan hawlaha nabad-ilaalinta iyo taageerida dowladnimada Soomaaliya.
0 Comments