LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Baledweyne : Askartii dhawaan lagu laalay Ceel-baraf oo aas qaran loo sameeyay +Sawiro!

 

Baledweyne : Askartii dhawaan lagu laalay Ceel-baraf oo aas qaran loo sameeyay!

Baladweyne (bulacle.com) – Waxaa manta aas qaran loogu sameeyay magaalada baladweyne Askartii dhawaan lagu laayay degmada ceel-baraf gobolka shabellada dhexe.

Aaska askaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay , Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Daahir Shire Maxamed ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ,Xildhibaanno ka tirsan BJFS,masuuliyiin kale iyo duubabka dhaqanka ayaa magaalada Beledweyne uga qeyb galay salaadda janaasada AUN askartii dhowaan lagu dilay degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.


Marxuumiintan Waxaana alle looga baryay in uu sida looga soo qeybgalay janaasadooda in alle raali kaga noqdo uuna siiyo janadiisa firdows.


Dhammaan dadka iskugu imaaday aaskan ayaa lagula dar daarmay in aan lagu kicin falal aan shareecada ku banaaneyn oo aan la kala dilin bulshada soomaaliyeed oo dhibkui ku koobmo dadka dhi bka geystay dowladana ay gacan adag ku qabato kiiskan cadaaladna ay helaaan askartii dhawaan la laayay.

Kiiska askartaan ayaa waxaa haatan u xiran dad ka badan 30 ruux oo loo heysto dilkan iyo in ay gacan ka geysteen dhibaatadaan waxaana ka mid ah maamulkii degmada ceel-baraf.






W/Q: Maxamud Cabdulle 

Post a Comment

0 Comments