LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Muqdisho: Laba Gabdhood iyo Darawal Ku Dhintay Shil Gaari!

Muqdisho: Laba Gabdhood iyo Darawal Ku Dhintay Shil Gaari!

Muqdisho (bulacle.com)
– Khasaare naxdin leh ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho xalay, kadib shil baabuur oo sababay dhimashada saddex qof, oo ay ku jiraan laba gabdhood iyo darawal.

 

Shilka ayaa ka dhacay waddada u dhaxaysa deegaanka Jaziira iyo duleedka Muqdisho, halkaas oo baabuurka ay wateen uu gebi ahaanba ku  burburay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay bulacle.com in gaariga uu tartan kula jiray baabuur kale ka hor inta uusan rogman arintana ay sababtay rogmashada gaarigan.

 

Darawalka baabuurka shilka galay ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidankii lagu soo tababaray Eritrea, isagoo sidoo kale ah wiil dhalinyaro ah oo caan ku ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok.

Ehellada iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goobta ka soo qaaday maydadka dadka ku dhintay shilkan gaari.

 

Shilalka baabuur ayaa si joogto ah uga dhaca Muqdisho, waxaana sabab u ah darawallada oo xawli u kaxeeya gaadiidka, iyo waddooyinka qaar oo burbursan. Ma jiro sharciyo adag oo lagu xakameeyo gaadiidka, taasoo keentay in darawallada aysan raacin shuruucda wadista gawaarida tan iyo markii ay dhacday dowladdii Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments