LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waa Maxay 4ta Sababood ee Farmaajo Kaga Aamusay Dib U Doorashada Axmed Madoobe?.

Waa Maxay 4ta Sababood ee  Farmaajo Kaga Aamusay Dib U Doorashada Axmed Madoobe?.


Mogadishu (Bulacle.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa weli ku jira aamusnaan siyaasadeed oo mugdi gelisay mowqifkiisa ku aaddan doorashada dib u soo laabashada Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee xilka madaxweynaha Jubbaland. Arrintan ayaa si weyn uga dhex dhalisay hadal hayn cusub oo ka dhex aloosan mucaaradka iyo taageerayaasha siyaasiyiinta kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo aamusnaantaas lagu tilmaamay mid ka duwan dhaqankii hore ee Farmaajo.

Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay xilka ugu sarreeya ee Jubbaland, ayaa si ballaaran u helay hambalyo iyo taageero ka timid siyaasiyiin kala duwan, gaar ahaan kuwa mucaaradka ah ee taageersan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Inkastoo ay jireen khilaafyo siyaasadeed oo hore u dhex maray Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, haddana taageerada mucaaradka ee doorashada Jubbaland ayaa muujisay isbedel cusub oo ku yimid habka loola macaamilo maamullada dowlad-goboleedyada.

Aamusnaanta Farmaajo: Maxaa Ka Dambeeya?

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu xilka hayay si toos ah u muujin jiray mowqifyadiisa ku aaddan Jubbaland, isaga oo marar badan si cad uga hor yimid Axmed Madoobe, una arkay mid siyaasaddiisa ka soo horjeeda. Balse aamusnaantiisa haatan ayaa noqotay arrin ay dad badan is weydiinayaan. Waxaa jira dhowr sababood oo suuragal ah oo loo aaneyn karo arrintan:

1. Kala Fogaansho Siyaasadeed oo Mucaaradka ah

Farmaajo iyo qaar ka mid ah mucaaradka ayaa horey ugu jiray khilaaf siyaasadeed, gaar ahaan xilliyadii kala guurka. Taageerada ay hadda mucaaradku siiyeen Axmed Madoobe waxay xoojinaysaa dareenka ah in aysan jirin isku mowqif siyaasadeed oo ay hadda wadaagaan Farmaajo iyo mucaaradka. Sidaas darteed, ka hadlidda arrinta waxay noqon lahayd mid u muuqata in uu ku milmayo loollanka mucaaradka.

2. Xaalad Siyaasadeed oo Fadhiid ah

Tan iyo markii uu ka degay xafiiska madaxtinimada, Farmaajo si taxadar leh ayuu ula dhaqmay siyaasadda dalka, gaar ahaan marka ay timaaddo arrimaha doorashooyinka dowlad-goboleedyada. Aamusnaanta ka dhalatay doorashada Jubbaland waxay muujin kartaa inuu doonayo inuu ka fogaado in lagu eedeeyo inuu faragelin ku hayo arrimaha maamullada gobollada dalka soomaaliya iyo madaxbanaaida maamul.

3. Istaraatiijiyadda Sugitaanka

Farmaajo waxa uu caan ku ahaa siyaasad sugitaan iyo ilaalin danaha xilliyada muhiimka ah. Waxaa suuragal ah inuu aamusnaanta doortay si uu u qiimeeyo saameynta doorashada Jubbaland, una arko in hadal degdeg ah uu dhaawici karo danihiisa mustaqbalka siyaasadeed. Waxaa kale oo dhici karta inuu sugayo mowqifka Villa Somalia si uu hadal cad ugu bixiyo.

4. Xiriirka Hooseeya ee Axmed Madoobe

Xiriirka Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa ahaa mid xumaaday xilligii uu Farmaajo xilka hayay, gaar ahaan marka la xasuusto khilaafkii gobolka Gedo oo ahaa halkii uu Farmaajo taageero xooggan ka haystay.

Markaa, aamusnaanta Farmaajo waxay u muuqan kartaa mid salka ku haysa taariikhdaas muranka leh, isagoo aan rabin inuu hambalyo u diro nin uu horey uga dhigay siyaasi kasoo horjeeda taasna u muuqata mid caqabado badan ku dheehanyihiin.

Jubbaland iyo Saameynta Madoobe

Dib u doorashada Axmed Madoobe waxay Jubbaland ka dhigtay maamul xasiloon oo leh hoggaan la aqoonsan yahay, iyadoo mar kale gobolka Gedo loo arko mid ka mid ah meelaha uu Madoobe doonayo in uu si buuxda u maamulo. Tani waxay dhalin kartaa khilaaf cusub haddii aan laga helin is afgarad siyaasadeed oo heer qaran ah.

Axmed Madoobe ayaa si joogto ah u muujinaya inuu doonayo in uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dowladda dhexe, balse haddii aan la helin waji cusub oo isfaham ah, waxaa suuragal ah in la galo xaalad muran siyaasadeed oo cusub.

Gunaanad: Farmaajo iyo Siyaasadda Mustaqbalka

Farmaajo waxa uu ku jiraa xaalad uu doonayo in uu ilaaliyo xasiloonidiisa siyaasadeed, maadaama uu weli yahay shaqsi miisaan weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya. Inuu ka hadlo ama aamusnaado labaduba waa doorashooyin istaraatiiji ah oo uu sameynayo. Haddii uu mustaqbalka damco inuu dib u helo taageero siyaasadeed, waxaa laga yaabaa inuu dib u milicsado mowqifyadiisa ku aaddan dowlad-goboleedyada sida Jubbaland.

Waxaase hadda muuqata in aamusnaanta Farmaajo ay calaamad u tahay xiriir xumo ka dhex aloosan isaga iyo siyaasiyiinta hadda saameynta ku leh siyaasadda Muqdisho, gaar ahaan mucaaradka iyo Villa Somalia.

W/Q: Mubaarak Axmed Abdullahi

 

 

Post a Comment

1 Comments

  1. Better write in somali because your English is exceptionally poor and confusing.

    ReplyDelete