Garoowe(bulacle.com) - Xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa haatan mar kale yeelatay weji cusub, kaddib markii dowladda dhexe ay qaaday tallaabo lagu xalinayo si ku-meelgaarka xaaladda bani’aadannimo.
Tallaabadan
waxay ka dhalatay gargaar la sheegay in Hay’adda SoDMA ay u dirtay Puntland, oo
loogu talagalay in la caawiyo illaa 3,000 oo qoys oo ku nool degaannada maamul
goboleedkaas.
“Gargaar bani’aadannimo oo loogu tala-galay in la
gaarsiiyo saddex kun (3,000) oo qoys oo ay saameeyeen abaaraha ayaan maanta u
dirnay degaanno ka tirsan maamulka Puntland,” ayuu yiri guddoomiyaha SoDMA,
Maxamuud Macallin Cabdulle.
Gargaaran ayaa la sheegay in la wareejiyey xildhibaan
Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato), kaas oo ka mid ah xildhibaannada
baarlamaanka ee kasoo jeedo Puntland, si loo gaarsiiyo qof walba oo u baahan.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa si dhaqso leh uga
soo jawaabtay arrintan, waxaana wasiirka gargaarka Puntland, Marwo Ubax
Cabdirashiid, ayaa diiday in gargaarkaas la gaarsiiyo deegaanadooda haddii aan
madaxda Puntland lagala tashan, Waxay sheegtay in xuduudaha Puntland aysan
oggolaan karin in gargaar aan la marin maamulka gobolka.
“Gargaar aan la soo marin Puntland kama soo degi karo
xuduudkeeda, bada iyo hawada Puntland,” ayay tiri Marwo Cabdirashiid.
Khilaafkani wuxuu muujinayaa in Puntland iyo dowladda
dhexe ay hore isugu hayeen arrimaha siyaasadda, haddana xaaladda ayaa u muuqata
mid ka sii xun, taasoo khatar ku noqon karta gargaarka bani’aadannimo ee loo
baahan yahay. Waxaa hore looga digay in arrimaha bani’aadannimada la
siyaasadeeyo, waxaana hadda jira walaac ku aaddan sida ay arrimahan u
saameynayaan dadka Soomaaliyeed.
Arrintani waxay keeni kartaa in loo baahdo xal dheeri
ah oo dhexmara labada dhinac, si loo hubiyo in gargaarku gaadho dadka u baahan,
iyadoo la ilaalinayo maamul iyo isfahan dhexmara Puntland iyo dowladda dhexe.
0 Comments