LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Maxay ka dhigantahay Magacaabista S/gaas Odawaa Yuusuf Raage oo mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka xooga dalka.

 


Golaah wasiiradda Xukuumada Soomaaliya ayaa u magacaabay S/Gaas Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed, kadib markii ay wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyada Federaalka soomaaliya ay soo jeedisay in S/Gaas Odawaa yuusuf Raage loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xooga  si loo dardargaliyo Difaacada Dalka iyo Ciribtirka Kooxda Khawaarijta .

Wararka ka imaanayo magaalada muqdisho ayaa sheegaya in mudaa ay socotay soo jeedinta  magacaabista Odawaa yuusuf raage in ay ka imaaneysay bulshada soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya blase uu arintaa ka caga jiidayay madaxweynaha Jamhuuriyada fedraalka soomaaliya.

Taliyaha cusub ciidanka Xooga dalka ayaa in kabadan 7 sano soo maamulayay Ciidanka xooga dalka taas oo la rumeysan yahay in uu waxbadan ka soo qabtay hagaajinta ciidanka xooga dalka iyo  guud ahaan difaaca Qaran.

Wararka ayaa intaasi ku daray intii uu ka maqnaa ciidanka xooga dalka ay dhaceen arimo aan ku wanaagsaneyn dhagaha shacabka soomaaliya iyo dabacsanaan soo wajahday Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

S/Gaas Odawaa yuusuf Raage ayaa waxaa lagu xasuustaa in uu Furamaha dagaalka uu kala qeybgali jiray ciidanka xooga dalka isagoona la qeybsan jiray dhaxanta iyo kaliisha taas oo in badan wax ka badashay quluubta ciidanka soomaaliyeed wallow ay jireen saraakiil uu ka mid ahaa Generaal Biixi ay gacan xoogan ka geysteen dadaalada lagu hagaajinayo ciidanka xooga dalka lamase oga in dib loo soo magacaabi doona general Biixi.

Guud ahaan dalka ayaa caawa laga soo dhaweeyay magacaabista S/Gaas  Odawaa yuusuf Raage iyadoona loo arko in markale dib loo bilaabi doono howlgalada ka dhankaa kooxda Khawaarijta AS.

Post a Comment

0 Comments