Dhuusamareeb(Bulacle.com)-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Shariif Barre, ayaa maanta si rasmi ah uga qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu dhagax-dhigayay dhismaha suuqa weyn ee xoolaha magaalada Dhuusamareeb. Suuqan ayaa la filayaa inuu noqdo mid muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha gobolka, isla markaana kor u qaada fursadaha ganacsi iyo suuq-geynta xoolaha deegaanka.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa ka dhacday meel u dhow
magaalada Dhuusamareeb, waxaana ka soo qayb galay madax ka tirsan dowladda
Galmudug, maamulka degmada, ganacsato, odayaal dhaqameed, ururrada bulshada
rayidka, iyo boqolaal ka mid ah shacabka deegaanka oo si diirran u soo
dhaweeyay mashruuca.
Suuqan cusub ee xoolaha ayaa la qorsheeyay in laga
hirgeliyo goob istiraatiiji ah oo u sahli doonta xoolo-dhaqatada in ay si fudud
u helaan adeegyo suuq-geyn, caafimaad, biyo iyo nadaafad. Suuqa ayaa yeelan
doona xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin: xarun caafimaad oo lagu baaro
laguna daweeyo xoolaha, haamo biyo ah, meherado ganacsi, goobaha wax lagu
kaydiyo, iyo adeegyo kale oo dhameystiran.
Mudane Shariif Barre, oo hadal ka jeediyay
munaasabadda, ayaa hoosta ka xarriiqay in mashruucani uu qayb ka yahay
dadaallada joogtada ah ee wasaaraddu ku doonayso in lagu horumariyo nolosha
xoolo-dhaqatada. Waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha
Galmudug, sidaas darteedna loo baahan yahay in la dhiso kaabayaal suuq ah oo la
jaanqaadi kara baahida deegaanka.
“Dhismaha suuqa weyn ee xoolaha Dhuusamareeb waa
tallaabo weyn oo hore loo qaaday. Wuxuu noqonayaa xarun ganacsi oo casri ah oo
ka jawaabaysa baahida xoolo-dhaqatada iyo ganacsatada deegaanka. Waxaan
aaminsanahay in mashruucan uu kordhin doono dakhliga bulshada isla markaana uu
xoojin doono isku xirnaanta suuqyada gudaha iyo kuwa dibadda,” ayuu yiri Wasiir
Kuxigeenku.
Wuxuu sidoo kale sheegay in wasaaradda Xanaanada
Xooluhu ay ka go’an tahay inay la shaqeyso hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa
caalamiga ah si loo helo taageero farsamo iyo mid dhaqaale oo lagu dhameystiro
mashruuca. Waxaa uu sheegay in ay socdaan qorsheyaal la xiriira tababaridda
shaqaalaha ka howlgelaya suuqa, ilaalinta tayada xoolaha iyo u diyaarin
dhoofkooda.
Dhanka kale, Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ayaa
isna ka hadlay munaasabadda, isagoo muujiyay sida uu maamulka degmada ugu
faraxsan yahay hirgelinta suuqa. Wuxuu sheegay in mashruucani uu sare u qaadi
doono kobaca dhaqaale ee degmada, isla markaana uu hoos u dhigi doono
caqabadaha ay la tacaalaan xoolo-dhaqatada iyo ganacsatada.
“Suuqan wuxuu xoojinayaa rajada shacabka ee ku aaddan
horumar muuqda. Waxaan ku dhiirrigelinayaa shacabka iyo ganacsatada inay si
buuxda uga faa’iideystaan fursadan, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan
hirgelinta iyo ilaalinta mashruuca,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Ganacsato iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah oo
halkaas ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay mashruuca, iyagoo xusay in suuqa
cusub uu soo afjari doono dhibaatooyin ay horay u la kulmi jireen sida
helitaanka biyo nadiif ah, adeegyada caafimaadka xoolaha, iyo suuq-geyn hufan.
Mashruucan ayaa lagu wadaa inuu socdo muddo dhowr
bilood ah, iyadoo la filayo in marka uu dhamaado uu noqdo xarun u qalanta
baahida deegaanka. Waxaa sidoo kale la rajeynayaa in suuqu uu noqdo meel lagu
diyaariyo xoolaha u dhoofaya suuqyada caalamka, iyadoo la raacayo shuruucda
caafimaad iyo tayada xoolaha ee heer qaran iyo mid caalami ah.
Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa lagu soo gabagabeeyay
duco iyo ballanqaadyo kala duwan oo ku saabsan taageerada mashruuca iyo sida
loo ilaalin doono kaabayaasha la dhisayo.
0 Comments