Ra'iisul Wasaare Xamse Oo Kismaayo xili uu Kor u sii Kaceyso Khilaafka Dowladda dhexe iyo Jubaland.
Wararka ka imaanaya
Magaalada Kismaanyo ayaa sheegay in dowlada federaalka soomaaliya ay qorsheyneyso
in Ciidamada Nabad ilaalinta ATMIS ee fadhigoodu yahay Magaalada kismaanyo lagu
wargaliyay in ay gacanta ku dhigaan garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaanyo oo
intiisa badan ay gacanta ku hayaan Ciidamada daraawiishta Jubaland, Arintaan
ayaa la sheegay in ay ka danbeyso xili la filayo in Kismaanyo uu gaaro Reysal
wasaaraha jamhuuriyada fedraalka soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo deegaan ahaan
ka soo jeeda Magaalada Kismaanyo maamulka Jubaland.
Safarka Reysal
wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili xalay uu maamulka jubland oo soo
saaray wareegto uu ku magacaabay Gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha jubalnd si
loo dar dargaliyo arimaha doorashooyinka Jubalnd , taas ay kor u sii qaaday
isfaham waagii jubaland iyo dowlada dhexe soomaaliya.
Maalmihii la soo
dhaafay magaalada kismaanyo waxaa ku sugnaa guud ahaan xildhibaanada dowlada
dhexe ku matala Jubalnd iyagoona halkaasi
u joogay wadatashi ka dib markii ay casuumaad ka heleen madaxweynaha Jubaland
Axmed Madoobe iyadoona wax war ah laga soo saarin wadahadaladii halkaasi ka
socday ayaa waxaa xalay soo baxay wareegtada lagu magacaabay 7 xubnood oo
noqonaya gudiga doorashiinka iyo xuduudaha maamulka jubland.
Lama oga sida uu
noqonayo xaalka jubaland iyo dowlada dhexe soomaaliya blasé reysal wasaaraha
soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada kismaanyo caasimahada maamulka
jubalnd.
End .
0 Comments