LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Abdulahi Warsame Roble -Afhayeenka Xanaanada Xoolaha: Warbaahinta Waa Furaha Gargaarka Abaaraha

 

Abdulahi Warsame Roble -Afhayeenka Xanaanada Xoolaha: Warbaahinta Waa Furaha Gargaarka Abaaraha

Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Abdulahi Warsame Roble, ayaa ka qaybgalay furitaanka tababar muhiim ah oo diiradda lagu saarayay doorka warbaahintu ku leedahay arrimaha bini’aadanimada iyo abaaraha ka jira deegaannada Galmudug.

 

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabiyeen hay’ado kala duwan oo ku howlan arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta warbaahinta, ayaa ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo fahamka iyo kaalinta saxafiyiinta ee gudbinta xogaha la xiriira xaaladaha adag ee nolosha bulshada, gaar ahaan saameynta abaaraha iyo sidii loo heli lahaa taageero iyo wacyigelin bulsho.

 

Afhayeen Abdulahi Warsame Roble ayaa intii uu ka hadlayay furitaanka tababarka, sheegay in warbaahintu ay door weyn ka ciyaari karto gudbinta fariimaha ku aaddan xaaladaha bini’aadantinimo, isagoo xusay in la iska kaashado sidii loo dhisi lahaa xiriir dhow oo dhexmara hay’adaha dowladda, warbaahinta, iyo bulshada rayidka ah.

 

Wuxuu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in tababarro noocan oo kale ah la joogteeyo, si loo helo saxaafiyiin xirfad leh oo si dhab ah u garanaya mas’uuliyadda ka saaran baahinta wararka saameyn ku leh nolosha shacabka, gaar ahaan marka ay jiraan xaalado degdeg ah sida abaaraha iyo colaadaha.

 

Gebagebadii, tababarka ayaa si rasmi ah loogu furay magaalada Dhusamareeb, waxaana ka qaybgalay wariyeyaal, masuuliyiin dowladeed, iyo wakiillo ka socday hay’adaha samafalka, kuwaasoo dhammaantood muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta doorka warbaahinta ee ka jawaabista xaaladaha bini’aadantinimo.




Post a Comment

0 Comments