LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolqha Galmudug Abdulahi Warsame Roble ayaa ka warbixiyay Solar System Lagu Wareejiyay Xoolo-dhaqato Ka Fog Magaalooyinka – Galmudug.

Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolqha Galmudug Abdulahi Warsame Roble ayaa ka warbixiyay Solar System Lagu Wareejiyay Xoolo-dhaqato Ka Fog Magaalooyinka – Galmudug.

Dhuusamareeb (Bulacle.com) –
Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Galmudug, Abdulahi Warsame Roble, ayaa sheegay in nidaamka korontada cadceedda (solar system) lagu wareejiyay qaar ka mid ah xoolo-dhaqatada ku nool meelaha fogfog ee ka baxsan magaalooyinka, si ay uga faa’iidaystaan koronto joogto ah oo dhibaato la’aan ah.

 

Afhayeenka ayaa xusay in mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Galmudug ugu jirto in lagu horumariyo nolasha dadka reer miyiga ah, gaar ahaan xoolo-dhaqatada aan helin adeegyada aas-aasiga ah ee ay ku jiraan biyaha iyo korontada. Wuxuu tilmaamay in nidaamyadan tamarta cadceedda ah ay kaalin weyn ka qaadan doonaan fududeynta nolasha, gaar ahaan qalabeynta ceelasha biyaha, adeegyada caafimaadka xoolaha, iyo waxbarashada carruurta.

 

Waa talaabo weyn oo horumarineed, waxayna qeyb ka tahay qorshaha dowladda ee gaarsiinta adeegyada bulshada meelaha aan horey loo gaarsiinin,” ayuu yiri Afhayeen Abdulahi Warsame Roble.

 

Mashruucan ayaa lagu wadaa in la sii ballaariyo haddii uu guuleysto, iyadoo wasaaraddu ay sheegtay in ay kaashanayso hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah si loo ballaariyo gaarsiinta adeegyada tamarta nadiifta ah ee bulshada reer miyiga ah.

Afhayeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolqha Galmudug Abdulahi Warsame Roble ayaa ka warbixiyay Solar System Lagu Wareejiyay Xoolo-dhaqato Ka Fog Magaalooyinka – Galmudug.







Post a Comment

0 Comments